DHAGEYSO: Puntland oo mucaaraday shirka maanta ka furmay Muqdisho

Garoowe (Caasimada online) Maamulka Puntland  ayaa Maanta Si rasmi ah waxayugu so hor jeesteen shirkan dib u heshiisiinta qaran ee maanta Maagaalada Muqdisho ka furmay, kaasi oo ay sheegeen inaysan waxba ka quseyn .
Wasiirada Warfaafinta iyo maaliyada Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, aya waxay si cad u sheegeen inay kasoo horjeedaan Shirka ka furmay Muqdisho, waxaana ay sheegeen inay inaan iyaga lagu Casuumin Maamaada  dhawaan xarigga ay u jiratay dowlada Soomaaliya.
Axmad Shiikh Jaamac, Wasiirka warfaafinta Puntland  oo ugu horayntii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya uu kaliyku yahay shirka ka socda Muqdisho oo aan gaarsiisneyn sida uu yiri deeganada kale ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland.
Faarax Cali Jaamac, Wasiirka Maaliyada Puntland oo dhankiisa ka hadlay kulanka Maanta Garooweka dhacay, ayaa wuxuu sheegay in maamulka Puntland uusan waxba ka quseyn maadaama sida uu hadalka u dhigay Puntland aaney ka mid aheyn dowlada Soomaaliya kalsoonidida ay goor hore kala noqotay.
Puntland waxay si cad u sheegtay in wax waliba oo shirkaas kasoo baxa inaysan iyaga waxba ka quseyn , isla-markaana ay kasoo horjeedaan .
Dhawaan ayay Puntland waxay ku dhawaaqday inay kalsoonidii kala noqtay dowlada Soomaaliya , maadama sida ay sheegeen wax laga baday qodobo dastuuri ahaa , inakstoo dowladu ay arintaas ka hadashay .
Caasimada online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com