Shaqaale Ajnabi ah oo la weeraray

Hargeisa (Caasimada online) Shaqaalahan oo ka socday Shirkada baareysa Shidaalka ee ayaa saaka waxay socdaal ku tageen deegaanka lagu weeraray  oo ku yaala Bariga gobalka Togdheer , halkaas oo ay qorsheynayeen inay shidaal baaris ka sameeyaan inkastoo ay ka bad baadeen .

Kooxo hubeysayn ayaa la shaaciyay inay weerarkaas ka dambeeyeen waxaana risaas xoogan ay ku fureen baarayasha shidaalka xilli howshooda shaqo ay gudanayeen ,

Ilo ku dhaw Dhaw shaqaalaha Ajaaniibta ah ee weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in weerarkaas uu aha mid ka dis ah oo shaqalaha lala eegtay xilli ay shaqo ku mashquul saneeyeen inkastoo aysan wax  khasaaro ah kasoo gaarin .

Warar aya sheegaya in ilaa iminka lala’yahay gaadiid ay wateen shaqalaha weerarka lagu soo qaday iyo qaar ka mid ahaa shaqaalhii Baarayaasha ahaa , kuwaas oo la tuhun san yahay inay dhex jiireen keynta weyn ee deegaanka Gunbur libaax, kasib markii lasoo weeraray

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland si ay arintaas daba gal ugu sameeyaan , si rasmi ah looma sheegin dalka ay u dhasheen shaqaalahan ajaaniibta ah ee la weeraray inkastoo la xaqiijiyay inay ahaayeen baarayaal shidal oo la shaqeynayay shirkadda Ganel Energy.

Wali kama aysan hadlin arintan maamulka Somaliland, sidoo kale ma jirto cid sheegatay weerarka Shaqaalahan ajaaniibta ah.

Caasimada online

Xafiiska  Hargeisa

Caasimada@live.com