Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan culus oo la xiriira dhammeystirka Dastuurka, waxayna tilmaamtay inay sii wadeys qorshaheeda qof iyo cod.
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin oo ka qayb-galay kulan dadweyne ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in aanu qabyo sii ahaanin Dastuurka dalka ee la dhammeystarayo, inkastoo weli ay taagan tahay dood xooggan oo ay qabaan mucaaradka.
“Dastuurka inuu qabyo noqdo waan diidnay dhowr iyo 10 sano inuu socdo wax keeni karo ma jiro, aqli ma keeni karo sharci ma keeni iyo dowladnimo, marka dhammeystirka Dastuurku waa inuu ballan noo wada noqdo” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin Maxamuud.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xukuumaddan maalinkii ay timid illaa maanta hadal kaliya ma ahayn waxay u howlgashay si ficil ah & ka go’naasho Dastuurka inay dhammeystirto”.
Dhinaca, kale waxa uu farriin u diray xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay soo dhex-galaan dadweynaha, ayna iska daayaan inay tegaan saldhigyada iyo goobaha ay joogaan ciidanka.
“Mucaaradow degmooyinka tega saldhigyada ha tagin ciidanka Booliska meel ay joogaan ha tegin iyo meelaha dadka lagu waardiyeeyo” ayuu mar kale yiri Wasiirku.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan uu furmay Kalfadhigga 7-aad ee baarlamaanka oo sii wadi doono doodda culus ee la xiriirta Dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan Villa Soomaaliya dooneyso inay ka qabato gudaha dalka.
“Qorshaha Kalfadhigga 7aad ee Aqalka Sare waxaa horyaalla meelmarinta dhammaystirka Dastuurka, dhismaha Golaha Garsoorka sare, Maqaamka Muqdisho, Shuruucda la horkeenno Aqalkan oo aan ka talo gelino Dowlad-Goboleedyada” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ka hadlaayay furitaankii baarlamaanka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed, waxaana si weyn isku haayo mucaaradka iyo dowladda oo xiisaddoodu ay isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaalkii dhawaan ku dhex-maray saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

