Xuska 14-ka October ‘oo loo adeegsaday ololaha’ madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa aad u dhalleeceeyey in xuska labaad ee qaraxii 14-kii October loo adeegsaday olole doorasho oo madaxweyne Farmaajo sare loogu qaadayo, xilli sanad iyo dhowr bil ay ka harsan tahay muddo xileedkiisa.

Isgoyska Zoobe oo ah halka uu qaraxa ka dhacay ayaa maanta lagu soo bandhigay laba baabuur oo lagu dhejiyey sawirrada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha, oo dhiig u shubaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi, si loogu ammaano.

Arrintan ayaa sidoo kale carro ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadweyne badan ay wareejinayaan sawirradaas oo ay ku dhalleeceeyey madaxweynaha iyo taageerayaashiisa.

Ma cadda in arrintan ay ku lug leedahay Villa Somalia iyo inay tahay wax ku kooban taageerayaashiisa.

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Fiqi.

14 Oktoobar 2017 waa Maalin Murugo iyo mahadhooyin xanuun badan ku reebtey qoysas badan iyo umadda Soomaaliyeed, Allaha u naxariisto shuhadadii halkaan ku dhimatay..

Waa ka xumahay in maalintaas olole suyaasadeed ahaan loo adeegsado, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa dhiig shubtey, oo uu ugu Horeeyey guddoomiyihii hore ee gobolka.

Xuska ugu weyn ee dhacdadaas loo dhigayo waxey aheyd in umadda laga dulqaado kooxaha argagixisada ah oo laba sano ka dib shaley hoobiyaal la dhacayey garoonka Aadan Cadde iyo xaafadaha u dhow. Maxey umadda ugu tooran tahay in sanad walba dhacdadaas la xuso ayadoo dilkii umaddu uu meeshii ka sii socdo, dadkii dad ka badanna labadii sano gudaheeda la diley.

14 Oktoobar ma ahan maalin olole siyaasadeed waa maalin murugo iyo xanuun reebtey, madaxda fadhiidka ah ee Villa Somalia waa In ay waxqabad muuqda oo dhiigga dadka lagu badnaadinayo ay la yimaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com