Jigjiga (Caasimada Online) Sida uu goordhow noo soo sheegay wariye ka tirsan Caasimada Online oo Jigjiga ku sugan waxaa halkaas lagu soo gabagabeyay xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya.
Xuskan oo sannadkan markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.
Wariyaha ayaa soo sheegay in magaalada ay buux dhaafiyeen dadweyne fara badan iyo madax ka socota gobalka oo ka qaybgalay xafladda xuska.
Ammaanka magaalada Jigjiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaa la fasaxay ardayda waxaa xiran inta badan goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda sidaas waxaa ku soo warramay wariyaha Shabakadda Caasimada Online oo ka ma id tiro wariyaal ah oo lagu casuumay sannadkan xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya.
Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar oo xaley ka hadlaayay xaflad casho sharraf ah oo loo sameeyay madaxda ka kala socota ku dhowaad 20 waddan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay martigaliyaan sannadkan xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya
Madaxda ka qaybgalaysa xuskan waxaa ka mid ah wafdi dowladda Soomaaliya ka socda, kuwa ka kala socda Puntland, Somaliland iyo Maamulka kumeel gaarka ee Jubba.
Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalgn,oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in markii ay ka walwalsanaayeen magaalada Jigjiga in ay martigallin karto dad sidan u badan balse wuxuu xaqiijiyay magaalada Jigjiga in ay ka dhabeesay arrintaas.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo isna ka hadlay goobta ayaa soo dhaweeyay in dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya ay muujisay doorka ay ku lee dahay qowmiyadaha ka dhisan dalka Ethiopia.
Xafladda ayaa lagu soo bandhigay carruur xiran dharka hidaha ee dalka Itoobiya waxaana lagu soo bandhigay dhammaan dhaqanka ay lee yihiin in ka badan 30 qowmiyadood oo Itoobiya ku nool.
Xafladda waxaa joogay dad aad u badan iyo in ka badan 140 diplomaasi oo ka socday caalamka.
Waa markii siddeedeed oo la qabto xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya waana markii ugu horreysay oo magaalada Jigjiga lagu qabtay.
Xafladda ayaa si weyn looga dareemay magaalada oo dhan, waxaana soo dhaweeyay madaxa ka qaybagashay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Jigjiga