Xuutiyiinta dalka Yemen oo weerar ku ah Imaaraadka Carabta iyo DUBAI oo…

Sanca (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaan ku hanjabay inay weerar gantaallo ah la beegsan doonaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qoraal lagu baahiyey wakaaladda wararka Yemen ee Saba, ayaa Jeneral Sharaf Ghaleb Loqman wuxuu ku sheegauy “In Abu Dhabi aysan hadda iyo wixii ka dambeeya ammaan ahayn, laga billaabo maanta.”

Loqman ayaa sidoo kale uga digay dadka maal-gashiga ku sameysta Abu Dhabi iyo Dubai inay si dhab ah u qaataan hadalkiisa.

Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo lagu warramay in ciidamo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta ay kusii siqayaan magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Xudeydah ee galbedka dalka Yemen.

Haddii Xuutiyiintu ay lumiyaan maamulka Xudeydah, waxaa taas macnaheedu yahay in berriga, badda iyo hawadaba ay xannibaad ka saarnaan doonto.

Dalka Yemen, oo ah kan ugu saboolsan dalalka Carbeed ayaa waxaa sanado badan ka taagan dagaal sokoeeye oo ay hurinayaan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com