30.9 C
Mogadishu
Friday, March 27, 2026

Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay go’aan ku saabsan dagaalka Iran

Bookmark
Bookmarked

Share

Sanca (Caasimada Online) – Xoogagga Xuutiyiinta Yemen oo si dhow ula safan Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan weerarro ay ka geystaan Badda Cas, kuwaas oo si weyn u saameyn kara maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.

Weerarradii hore ee ay kooxdan ka fulisay marin-biyoodkaasi intii uu socday dagaalka Gaza ayaa sababay jahawareer xooggan, iyadoo shirkado badan oo maraakiib ah ay beddeleen waddooyinkoodii si ay uga fogaadaan halista amni.

Hadda, iyadoo xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordheyso, Xuutiyiinta ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin inay mar kale qaadaan tallaabooyin militari oo ka dhan ah maraakiibta, iyagoo muujinaya taageeradooda Tehran.

Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qorshayaashooda militari ay weli furan yihiin, isla markaana ay sugayaan go’aanka kama dambaysta ah ee hoggaanka sare.

“Si buuxda ayaan u diyaarsanahay ciidan ahaan, dhammaan qorshayaasheenuna way furan yihiin,” ayuu yiri sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin, isagoo xusay in waqtiga saxda ah ee ay tallaabo qaadi doonaan uu ku xirnaan doono go’aanka hoggaanka sare iyo sida uu dagaalku u socdo.

Tallaabadan suurta-galka ah ayaa la rumeysan yahay inay sii xumeyn karto qalalaasaha dhaqaale iyo kan shidaalka ee caalamka, maadaama marin-biyoodka Badda Cas uu yahay mid aad muhiim ugu ah isu-socodka ganacsiga adduunka.

Haddii ay Xuutiyiintu furaan jiho cusub oo dagaal, bartilmaameedkooda ugu weyn wuxuu noqon karaa marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Marinkan ayaa muhiim u ah maraakiibta u kala goosha Yurub iyo Aasiya, gaar ahaan kuwa u socda Kanaalka Suweys, taas oo ka dhigeysa meel si weyn u saameyn karta dhaqaalaha caalamka haddii la carqaladeeyo.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Iiraan ay si wax ku ool ah u adkeysay xakameynta marin-biyoodka Hormuz, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in marinno kale oo muhiim ah ay halis galaan.

Kooxo kale oo xulufada la ah Iiraan, sida kuwa ka jira Lubnaan iyo Ciraaq ayaa horey ugu biiray dagaalka gobolka, iyagoo weerarro ka dhan ah danaha Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyay meelo kala duwan.

Si kastaba, Xuutiyiinta Yemen oo leh awood milatari oo ballaaran iyo hub casri ah, weli ma qaadin tallaabo rasmi ah oo ay si buuxda ugu biirayaan dagaalka socda.

- Advertisement -

Read more

Local News