Yaa bixiyey amarka garoonka Aadan Cadde ee ay DF ku beegsatay madaxdii hore iyo musharaxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay amar cusub oo ka dhan ah hubka lala galo garoonka diyaaradaha, kaasi oo saameyn weyn ku yeelanayana ilaalada madaxdii hore ee dalka iyo musharaxiinta mucaaridka.

Amarkan ayaa waxa uu si toos ah uga soo baxay Ra’iisal wasaare Rooble, kaasi oo ay fulinteeda amartay Wasaarada amniga, iyada oo tixraaceysa amarka ra’iisal wasaaraha dalka.

Waxa kaliya ee loo ogolaaday iney hubka la geli karaan garoonka ilaalada madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta mucaaridka ayaa markii hore iyagu marka ay ka duuliyaan garoonka la gala ilaalo hubeysan, kuwaasi oo qeyb weyn ka qaata sugida amnigooda, waxeyna arinta kusoo aadeysaa xilli wali uu taagan yahay khilaafka doorashada.

Go’aanka wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu sheegay mid kor loogu qaadayo amniga garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin isdaba joog ah oo ka yimid maamulka garoonka oo ku saabsan ammaanka gudaha garoonka Muqdisho.

Wasaaradda ayaa laamaha amniga ee garoonka fartay in ciidamada la socda madaxdii hore ee dalka iyo musharaxiinta kale iyo hubkooda ay ku reebaan iriddaha hore ee laga galo garoonka sida Madina gate, Mariina Gate, iyo irdaha kale ee waaweyn ee garoonka.

Go’aankan ayaa uga sii dari kara xiisada xoogan ee ka dhex taagan madaxda dowladda iyo mucaaridka, iyada oo kusoo aadayo xili ay xaalad cakiran oo ka dhalatay hanaanka doorashada ay ka taagan tahay dalka.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay musharaxiinta mucaaridka oo hore dowlafda ugu eedeyay inay beegsi gaar ah ku hayso.