Yaa dilay nabaddoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa? – DF iyo Al-Shabaab oo soo saaray warar is-khilaafsan (Aqriso)

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is khilaafsan kasoo saaray cidda dishay iyo sida uu u dhintay nabaddoon Yuusuf Fiidow, oo ka mid ahaa odayaasha ugu caansan gobolka Hiiraan iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in nabaddoonka iyo wiilkiisa ay ku dhinteen qarax gaari oo ka dhashay miino ay Al-Shabaab ku duugeen waddada, meel u dhow deegaaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan. 

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay laba nabaddoon oo kale oo lagu kala magacaabo Xasan Xuseen iyo Mukhtaar Xaaji, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. 

“Kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab oo u bareeri waayay in ay wajahaan kacdoonka Shacabka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ayaa bilaabay in si dhuumaaleysi ah ay wadooyinka qaraxyo ugu galiyaan dadka safarka ah, taasoo muujineysa taag darida cadowga,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda. 

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahisay warbaahinta taageerta waxay ku sheegeen in dadkaas ay ku dhinteen duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha drone-ka ee Mareykanka. 

“Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyay gaari nooca loo yaqaano Baraada kaas oo uu saarnaa nabadoon Yuusuf Fiidoow. Nabadoonka iyo dadka shacabka ah ee la dhintay ayaa kasoo safray degmada Baladweyne waxaana ay uu usoo socdeen degmada Buq-Aqable ee isla gobolka Hiiraan,” ayaa lagu qoraalka warbaahinta Al-Shabaab.

Warbaahinta Al-Shabaab oo sheegtay in weerarka uu dhacay xalay, ayaa intaas ku dartay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay shalay gelinkii dambe oo dhan ku dul heehaabayeen deegaanka.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta waxa dhab ahaan ka dhacay deegaanka Buq Aqable iyo haddii qaraxa uu ka dhashay miino ay aaseen Al-Shabaab iyo haddii uu ka dhashay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Drone-ka Mareykanka.