Yaa kala wareegaya Kenya hoggaanka AMISOM ee Kismaayo, goormase?

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliye milateri oo u dhashay dalka Sierra Leone, ayaa horraanta bisha foodda nagu soo haysa ee February hogganka Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Kismaayo kala wareegi doona taliyaha haatan talada haya ee u dhashay dalka Kenya.

Sierra Leone waa dalkii ugu horreeyay ee ka baxsan Bariga Afrika oo ciidamo nabad ilaalin ah u diray Soomaaliya.
Go’aanka dib u habaynta hoggaanka AMISOM ee gobollada Jubbooyinka ayaa qeyb ka ah dib u eegis Midowga Afrika uu ku wado howlgalkiisa Soomaaliya.

Isbeddelka ayaa yimid kaddib markii xubnaha Guddiga Madaxda Difaaca ee ciidamada dalalka u diray Soomaaliya ay kulan ku qaateen magaalada Addis Ababa January 12 2014, kaas oo qodobbadii ka soo baxay uu ka mid ahaa in hal guuto oo ciidamo ka socda dalka Sierra Leone lagu reebo magaalada Kismaayo iyagoo ay wehlinayaan ciidamo aan badnayn oo ka socda dalalka Burundi iyo Kenya. Cutub ka tirsan booliska Nigeria ayaa sidoo kale la go’aamiyay in la geeyo Kismaayo.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in si gaar ah looga hadlo arrimaha muhiimka ah ee la xiriira howlgallada AMISOM.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiradooda ay gaareyso 3,664 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxayna ku kala sugan yihiin gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Shir madaxda dowladaha ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qaateen horraantii August ee sanadkii hore magaalada Addis Ababa, ayaa qodobbadii war-murtiyeedkii laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ahaa in ciidamo isku dhaf la geeyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Midowga Afrika in ciidamo isku dhaf ah loo diro magaalada Kismaayo, si meesha looga saaro tuhun la xiriiray in ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada ay gacan-saar la leeyihiin maamulka Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo waxaa shalay ka dhacay dibadbax ay soo abaabuleen Axmed Madoobe iyo Kenya oo looga soo horjeedo in ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo lagu beddelo ciidan kale oo Afrikaan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com