Yaa lagu beegsaday dilalkii qorsheysnaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay xalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmooyinka Hodan iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka koowaad oo loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Gorgor ayaa ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana toogashadaas fuliyey rag ku hubeysnaa Bistoolado oo weerar gaadma ah ku qaaday askariga, xilli uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askariga xilliga la dilayey uu kasoo baxay xerada ciidamada Gorgor ee Tarabuunka, isla-markaana uu ku socday gurigiisa oo ku yaalla Seybiyaano.

Ragga dilka fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inya goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi, waxaana goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka.

Sidoo kale dilka labaad oo ay geysatay koox burcad ah ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh oo ka tirsan degmada Dharkenley, waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Khaalid Cabdixamiid Macalin Cali, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Burcadda oo taleefoon uu watay marxuumka ka qaadatay ayaa la sheegay inay dilkiisa u adeegsatay Toorey, waxayna isla-markiiba ka carareen goobta.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilalkan xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Amni darrada Muqdisho ayaa sii baaheysay maalmihii u dambeeyey, waxaana sii kordhay weerarada qaraxyada ah, dilalka qorsheysan iyo dhaca socda xilliyada habeenkii ah.