Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xaalad kacsanaan ah iyo dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay maalmahaan ka taagneyd xiisad la xiriirta dhulka oo ay isku hayaan dowladda iyo dadka deegaanka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaka suuqa uu tegay Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo wata ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, waxaana uu gudaha u galay suuqa, halkaas oo ay haatan ka taagan tahay xiisad culus.
Yaasiin Fareey ayaa doonaya inuu difaaco dhulkaas oo ay dagan yihiin dad shacab ah, isla markaana maalmahaan ka cabanayay dhul boob ay sheegeen in lagu hayo suuqa.
Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana sidoo kale bannaanka suuqa iyana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaas ka wada abaabul xooggan.
Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo goobta, waxaana haawana suuqa, iyada oo ay joogaan ciidamo iska soo horjeedo.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Yaasiin Fareey iyo ciidamo uu wato oo dhex socda gudaha Suuqa iyo gaadiid dagaal oo goobta yaalla, taas oo keentay in saaka xaalad ay dareemaan dadka deegaanka ee ku sugan aagga Siinaay ee Muqdisho.
Shalay sidoo kale waxaa suuqa tegay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, iyaga oo ka horyimid dhul boobka lagu hayo shacabka, waxayna ugu baaqeen inay sii wadaan dibadbaxooda, ayna garab istaaga yihiin.
Horay waxaa usoo baxa warar ku aadan in la’iibinayo suuqa, iyada oo si toos ah loo beec geeyay dhulka uu ku yaallo suuqa, waxaana booskiiba qiimihiisa lagu sheegay $ 45,000 illaa 80,000 oo Dollarka Mareykanka ah.
Arrintan ayaa sii kordhisa walaaca ay qabaan ganacsatada suuqa iyo dadka deegaanka, maadaama dhulkan ay haatan la wareegayaan ganacsato kale oo waawayn, waxayna taasi keentay kacdoonka dadka deegaanka iyo xildhibaannda ku metala baarlamaanka dalka.