Yusuf Garaad oo shaaciyey ‘arrinta kaliya ee lagu xalin karo’ khilaafka doorashada

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna haatan ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceook-ga.

Yuusuf Garaad ayaa si qoto dheer uga hadlay is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka, wuxuuna shaaca ka qaaday in xaaladdu ay wanaagsaneyd, ka hor dhacdooyinkii 19-ka Febraayo & shirarkii ka horreeyey ee Baydhabo & Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaaladdu ay ka sii dareyso, haddii aan la helin wada-hadal toos ah oo lagu dhameeyo tabashada ka jirta doorashada dalka.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in xalka kaliya ee looga gudbi karo marxaladdan uu yahay in dhinacyada is haya ee kal ah:- dowlada federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo saamileyda kale ay isugu yimaadaan si foolka fool ah.

“Sida keliya oo marxaladdaas looga gudbi karo waa xiriir toos ah oo miis dushiis lagu gorfeeyo gefefka la kala tirsanayo iyo tuhunka la kala qabo,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la filayo in shir gaar ah ay yeeshaan ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo musharraxiinta mucaaradka, waxaana ay ka wada-hadlayaan xaaladda dalka & arrimaha doorashada.

Halkan hoose ka aqriso fariinta:-

Marka laba ama dhowr dhinac ay is khilaafaan, fool-ka-fool la isu arki diido, aanuu jirin xiriir kale oo toos ah;

Marka uu kala shakigu bato, siina kobco ilaa uu horseedo kala aamminbax.

Dhinac kastaa wuxuu isu sheegaa waxa uu ku gar leeyahay oo keliya.

Wuxuu quus ka istaagaa dhinaca kale, kamana fisho wax aan ahayn shar iyo xumaan hor leh.

Taasi waxay dhinac kasta geyeysiisaa in uu ahaado col-u-joog, waran-la-yuurur ah.

Wuxuu diiradda saaraa waxa uu dhanka kale u dhimi karo, isaga oo aan xisaabta ku darsan waxa uu isagu lumin karo.

Xaaladdaasi waxay ugu badisaa dhangaxa dhan-ka-aragga ah. Waxay rajo gelisaa kan aan waxba dhowraneyn.

Waxaa macaash ka raadiya kuwa dadka u kala sheekeeya iyo cadow oo dhan. Mar kasta oo xaaladdaas lagu sii jiro, xalku wuu sii fogaadaa.

Dhacdooyinkii 19-ka Feb ka hor, arrintu sidan waa ay ka sahlanayd.

Waxaye ka sii sahlanayd Baydhowa markii la fadhiyay.

Markaasna waxaa ka sahlanayd Dhuusa Marreeb intii la joogay.

Sida keliya oo marxaladdaas looga gudbi karo waa xiriir toos ah oo miis dushiis lagu gorfeeyo gefefka la kala tirsanayo iyo tuhunka la kala qabo.

In la wada fariisto waa tallaabo ku wajahan jihada xalka.

Ka quuso in aad ka quusato Soomaaliya.