Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasabad xilka loogu wareejin doono Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.
Munaasabada kadib ayaa waxaa uu Madaxweynuhu magacaabi doonaa Agaasimayaasha Madaxtooyada iyo dhammaan waaxyaha khuseeya howlaha Madaxtooyada.
Qorshaha Madaxweynaha Cusub ayaa waxaa kamid ahaan doona in Madaxtooyada uu u magacaabo Agaasime iyo Taliye Ciidan oo ahmiyad gaara u leh Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in Agaasimaha Madaxtooyada uu u magacaabi doono Thabit Cabdi Maxamed oo xiligii Dowlada Xasan Sheekh ahaa Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada.
Thabit Cabdi Maxamed, ayaa ku magacaaban Danjire ku-xigeenka Somalia u fadhiya dalka Mareykanka, waxa uuna magaalada Muqdisho soo gaaray tan iyo markii xilka loo dhaariyay Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweyne Farmaajo uu doonaayo in Taliyaha ilaalada Madaxtooyada uu u magacaabo Gen. C/llahi Cali Caanood oo kamid ah Taliyayaasha Ciidamada Xoogga Qaranka.
Shaqsiyaadkaani sida aad ah loo hadalhayo xilalka loo magacaabaayo, ayaa waxaa ku biiri doona shaqsiyaad kale oo uu Madaxweynuhu doonaayo inuu ku aamino xilal dhowr ah.
Geesta kale, waxaa arrintaani barbar socda baadi-goobka uu Madaxweynuhu ugu jiro shaqsiga noqon doona Ra’isul wasaaraha dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]