Maxay tahay ujeedka laga leeyahay $150,000 ee gacanta loo geliyey Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wareejiyey maamulka Galmudug 150 Kun oo Dollar taasoo loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ay abaarta saameysay ee ku nool Meelaha uu ka arrimiyo maamulkaan.

Guddigga abaarta ayaa lacagtaan ku wareejiyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabay kaasoo caddeeyey inay jiraan dhibaato badan oo ay abaarta u geysatay dhulka ay xukunto Galmudug.

Shalay ayey aheyd markii Guddiga uu Maamul Goboleedka Puntland ku wareejiyey 150 Kun oo Dollar taasoo iyana loogu deeqay dadka abaarta ku saaameysay deegaanadaas.

Guddiga abaaraha ayaa ka dhawaajiyey inay jiraan qorshooyin kale oo ku wajahan maamulada kale ee ka jiro dalka kuwaas iyagana ay saameyn weyn ku yeelatay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

lacagtii musharixiinta ee doorashadii Soomaaliya taasoo ay ka ka qeyb galeyn ilaa 24 musharax oo laga qaaday mid kasta adduun lacageed oo gaarayo ilaa 30 Kun oo Dollar ayaa lacagtaas 50% loogu deeqay abaaraha waana midda ay hadda guddiga u qeybinayaan maamulka Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com