Dhageyso: Heshiiskii saldhigga Imaaraadka ee Berbera oo lugaha la galay Xasan Sheekh

Mogadishu (Caasimadda Online) – Dr. Nuur Faarax Jimcaale waa hanti dhowrha guud ee qaranka Soomaaliya, waxaana xilkaas u magacaay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba hanti dhawraha ayaa maanta banaanka usoo saaray waxyaabo badan oo qarsoonaa isagoo taabtay arrimo xasaasi ah oo maalmihii dambe la hadal hayey.

Dr. Jimcaale ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan macquul aheyn in shirkad heysata keliya wax uu ku sheegay laba raadiye inay maamusho hawada Soomaaliya. Sidoo kalana wuxuu ka horyimid heshiiskii loo saxiixay Imaaraadka Carabta ee ku aadanaa inay saldhig Military ka sameystaan Berbera.

Wuxuu dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ku eedeyey inay qeyb weyn ka qaadatay in Imaaraada Carabta loo fududeeyo heshiiska ay dhawaan saxiixeen ee Labada Aqal Somaliland.

Hanti dhawraha ayaa tibaaxay inuu heshiiskaan yahay mid aan sharci aheyn isla markaasna been abuur ah isagoo sheegay in uusan ansax aheyn marka loo fiiriyo shuruucda heshiisyada Caalmiga ah.

Ugu dambeynti, hadalka Dr. Nuur ayaa imaanaya xilli dhawaan doorashadii ka dhacday Mogadishu looga guuleystay dowladdii Xassan Shiikh, tiiyoo xilkaan loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo yeeray hanti Dhawraha oo dhameystiran.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com