Sawirro: Sidee ayuu u dhacay xukunkii qisaasta ahaa ee Ahlu Sunna ay maanta fulisay

Guriceel (Caasimada Online) – Ahlu Sunna waljameeca oo gacanta ku heyso inta badan Gobolka Galgaduud ayaa xukun qisaas ah ka fulisay magaalada Guriceel waxayna dileen nin hore dil u geystay.

Ninka la toogtay ayaa lagu sheegay magaciisa Maxamed Cabdullaahi Faarax waxaana lagu soo eedeeyey inuu dil u geystay Feysal Yuusuf Goobe oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ahlu Sunna.

Waxaa goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna waxayna carabka ku dhufteen inay sida sharciga qabo baaritaan weyn ku sameeyeen kadiba ay ogaadeen inuu ninkaan ahaa ninkii dilka geystay.

Ninka dilka lagu fuliyey ayaa loo ogolaaday inuu dukado laba Rakco  waxaana kadib toogtay ciidamo ay Ahlu Sunna usoo diyaariyeen qisaastaan.

Dilka loo geystay sarkaalkaan ka tirsanaa Ahlu Sunna ayaa dhacay  6 December sanadkii 2015.