Yuu Yariisow uga baqayaa inuu faro-geliyo xaaladda deegaanka Garasbaaley?

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow ayaa muddooyinkan aad uga gaabsaday dhibaata joogta ah oo lagu hayo dadka degan deegaanka Garasbaaley, oo laga dhibaateenayo degmada Dayniile ee ku dheggan.

Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa bishan gudaheeda weerar khasaare xooggan dhaliyay ku qaaday deegaanka Garasbaaleey oo dhaca duleedka Muqdisho.

Wax war ah ama tallaabo ah kama soo saarin maamulka gobalka Banaadir arrintaas, waxaana lagu warramayaa in sababta ay tahay cabsi uu ka qabo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Garasbaaleey ayaa dhowr jeer oo hore ula kulmay duqa Muqdisho, isagoo u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu hayo deegaanka, balse ugu dambeyntii waxba kama suurt-gelin arrintaas.

Deegaanka Garasbaaleey ayaa sanadihii lasoo dhaafay ay ka muuqatay horumarro aad u waa weeyn oo ay u guntadeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee kasoo jeeda deegaanka.

Weerarada uga imaanayay degmada Dayniile ayaa labadii bilood lasoo dhaafay joogta ahaa. Maamulka Dayniile ayaa doonaya in Garasbaaleey looga arrimiyo Dayniile, halka bulshada ay doonayaan inay noqdaan degmo madax banaan.

Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in Yariisow uu maamulka gobolka Banaadir ku yahay oo kaliya magac u yaal, oo uusan gobolka isaga maamulin. “Gobolka waxaa maamulka Kheyre iyo xubnaha ku dhow, Yariisow waa iska magaacaban yahay” ayey yiraahdeen.

Dad ku dhow Yariisow ayaa iyagana laga soo xigtay in haddii uu qaado tallaabo aysan raali ka ahayn Kheyre iyo kooxdiisa uu u baqayo xilkiisa. Degmada Dayniile ayaa waxaa degan beesha ra’iisul wasaaraha, halka Garasbaaley ay ku badan yihiin beesha Yariisow.

Odayaasha beesha Yariisow ayaa hadda ka fakaraya inay qaadaan tallaabo ay ku dalbanayaan in maamulka gobolka loo dhiibo qof ayaga matal, maadaama Yariisow uusan sidaas u muuqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com