Yuusuf Garaad oo faallo ka qoray xaaladda Galmudug

Wax kasta oo GalMudug ay isu geysatay iyo wax kasta oo uu Federaalku u geystay, haddana mid ayaa ma huraan ah.

In siyaasadda Gobolku ay horseeddo in uu nabad ku wada noolaado, nabad kula noolaado deriska, kana shaqeeyo horumarka dadweynaha dul, dhex iyo barbar deggan degaan hodon ku ah kheyraad dabiici ah se ka gaajeysan.

Si nabad buuxda iyo horumar loogu tallaabsado, waxaa ma huraan ah in la wadahadlo, dhabta la is hordhigo, oo la kala garqaato.

“Guusha” kooxdaada ha ku qiimeyn, ama aan si kale u dhaho, jiritaankaaga ha ku sababeyn keliya waxa aad u dhimi karto dhinac aad is haysaan.

Is weydii culeyska iyo dib u dhaca ku jira in aad isku daydo in inta kale oo dhan aad adigu muquuniso.

Adigu keligaa isu qir in aanad dadka kale ka xigin degaanka iyo dalka. In ismuquunin aan horumar lagu gaari karin ka baro taariikhda dhow iyo tan fog ee dalka.

Bal qiyaas. Wanaag adiga oo wada ayay dhacdaa in shar lagaala hor yimaado. Haddii aad shar soo qorsheyso, rajo ha ka qabin in wanaag lagaala hor yimaado.

Shar kaltan ah oo marba ay kooxi isku daydo in ay u quus goyso inta kale,
horumar laguma gaarayo, nabadna waa lagu waayi karaa.

Xumo kasta oo lagugula kacay, ballanbaxya kasta oo aad daliisheeda hayso, daneysi kasta oo aad ku aragtay qaar, maangaabnimo kasta oo aad ku tuhmeyso dhinaca kale, haddana waa dad degaan iyo dan guud ay kaala dhaxeeyaan.

Sida keliya ee hore loogu wada socon karaa waa wadahadal lagu goobo is afgarad.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar