Yuusuf Garaad oo sheegay hal arrin oo warqadii kasoo baxday Deni ay muujisay

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ammaanay warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ee uu ku joojiyey in wax kharash ah ay ka baxsaan qasnadda dowladda Puntland.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso in Deni yahay nin qorshe lahaa ka hor inta aanu xilka ku guuleysan, oo uusan kaliya ka fakarin inuu guuleysto.

Yuusuf Garaad ayaa yiri “Marka doorasho lagu dhawaaqo, murashixiinta qaar waxa ay ka fekeraan sidii ay doorashada ugu guuleysan lahaayeen oo keliya. Kharash iyo dadaal aad u fara badan ayay geliyaan. Marka la doorto ka dib ayay is weydiiyaan wixii ay qaban lahaayeen!”

“Warqadda maanta ku asteysan ee Kharash – Joojinta Puntland haddii ay sax tahay, waxaa cad in Siciid Dani aanuu keliya ku mashquulin ololaha doorashada ee uu hore uga fekeray waxa uu qaban doono doorashada ka dib iyo halka uu ka billaabayo.”

Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul.