Yuusuf Garaad oo si weyn uga hor-yimid qorshaha uu Farmaajo damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mudooyinkii udambeeyay waday qorshe uu ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay kulamo gaar-gaar ah la yeelanayey odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Beelaha ku matala Golaha Shacabka, isagoona ku qancinayey inuu sameysto muddo kororsi.

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ugu jira sidii uu taageero ugu heli lahaa qorshe dowladdiisa ku dooneyso muddo kororsi, iyadoo muddo xileedkiisa uu ka dhiman yahay 20 bilood.

Haddaba, Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qorshahan uu Madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto, isagoona sheegay inuu kasoo horjeedo qorshahaasi oo uusan marnaba dan u aheyn nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo midka xasilooniyadeedba.

Yuuruf Garaad Cumar, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arrintas kaga hadlayo, wuxuuna ku yiri:

“Sida aan uga soo horjeedo Dowlad aan xilligii loo doortay dhammaan in la isku dayo in Madaxweynaheeda la maja xaabiyo oo laga rito kursiga, si le’eg ayaan uga soo horjeedaa marka Dowlad wakhtigeedu dhammaadaanayo in ay isku daydo in ay kororsato ama ay ulakac uga baaqsato qabanqaabada doorasho si ay isaga sii joogto.

Labada arrimood midna dan uma ahan nidaamkeenna siyaasadeed, is aamminaadda iyo xasilloonida”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com