Nairobi (Caasimada Online) Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii horre, isla markaana ka xilal kalal duwan ka soo qabtay kana soo shaqeeyay BBC-da ayaa maanta oo Jimco ah soo diray talooyin muhiim ah oo ku socda madaxweynaha Soomaaliya.
Yuusuf Garaad ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu soo magacaabo raysal wasaare daacad ah isla markaana uu ku soo xulo si daacad nimo ay ku jirto.
Warkan kooban ayuu goordhow ku soo qoray boggiisa Facebook ” Waa talo kooban oo u socota dadka Madaxweynaha la shaqeeya iyo kuwa ku sii qulqulaya gurigiisa iyo xafiiskiisa. Marka hore waa wax wanaagsan in Madaxweynaha lagala taliyo qofka kugula habboon in uu dalka dan u yahay – sida Ilaaheey kugu og yahay. Waxaase habboon in laga dhowrsado in lagula taliyo qof aad is leedahay adiga ayay kuugu badineysaa. Tan kalena waxaa habboon in Allah laga baqo oo aan Magaca laga dilin dadka kale ee iyaguna jagadaas doonaya. Ugu dambeyntiina Madaxweynuhu waa shakhsi – ma ahan in la wareeriyo wakhtigana looga dhammeeyo ka dhaadhicinta magacyo aan caalamkaan horumar ka gaarin amaba aan xataa hore u soo qaban shaqo macna leh.”
Si kastaba, marka laga soo tago hadalka Yuusuf Garaad, waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo looga hadlaayo loolanka loogu jirro xilka raysal wasaaraha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiskla Wararka Nairobi