Yuusuf Garaad oo warbixin cajiib ah ka qoray xaaladda cusub ee DALKA uu galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatana ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Yuusuf Garaad Cumar oo warbixin gaar ah soo dhigay Facebook-giisa ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay iyo is mari-waaga siyaasadeed ee weli ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Yuusuf Garaad ayaa marka hore shaaca ka qaaday in siyaasaddu ay isugu jirto waxa la kala leeyahay iyo wax la wada leeyahay oo ay tahay in la dhowro, si loo ilaaliyo xasiloonida.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta baarlamaanka, isaga oo sheegay in xildhibaan kastaa uu ogyahay muddada xaddidan ee kursigiisa, taas ooheshisi lagu wada yahay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqan inay haboon tahay in la aqbalo aragtiyada kaa duwan, isaga oo ka digay in  la’isku bixiyo magacyo gaar ah.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo istaago bad-baadada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kale la ilaaliyo madaxbannaanida iy  xasilloonida guud ee dalka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Aragti shakhsi iyo talo guud.

Siyaasaddu waxay isugu jirtaa wax la kala leeyahay oo la kala jiito iyo in la wada leeyahay oo ay tahay in la dhowro.

Ha lagu kala aragti duwanaado hannaanka ay noqoneyso. Ha la kala jiito goobaha ay ka dhaceyso, marna ha la isu soo jiido. Laakiin goorta ay noqoneyso doorasho ma ahan in muran iyo talo la geliyo.

Xildhibaan kastaa marka uu u tartamayay, wuu ogaa muddada xaddidan ee kursiga. Waxaa kale oo uu ogaa Goorta ay khasab ku noqoneyso in uu tartan hor leh u galo isla kursiga. Ama uu isaga tago haddii uu u bogi waayo ama ay la noqoto in aanuu doorashada libin ka keeni kari doonin.

Haddana waxaan qabaa in ay habboon tahay in la isku dayo in la fahmo aragtida kaa duwan xataa haddii ay kula gurracan tahay. Waxaan qabaa in aan keliya la isu muuqan oo aan magacyo la isu bixin ee la kaashado deggenaan iyo dulqaad inta suurta gal ah ee aan dalka Madaxbannaanidiisa, xasilloonidiisa iyo hannaankiisa siyaasadeed wax u dhimeyn.

Sidaa ay tahay, waxaan qabaa in kuwa aad kala aragtida tihiin, midka kuula aragti qallafsan aad xusuusnaato in sidaada oo kale uu Soomaali yahay, kulana xuquuq siman yahay.

Waxaa ila qumman in inta aadan tiraabin iyo inta aanad mowqif qaadan aad xusuusnaato mua’uuliyadda wadareed iyo midda shakhsi walbow adiga kuu gaarka ah ee aan raadkeedu kaa hari doonin.

Ramadan macnihiisu ma ahan oo keliya in quudka uun laga soomo.

Ka quuso in aad ka quusato Soomaaliya.