James Swan oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan oo war qoraal ah soo saaray ayaa hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Swan oo ku hadlayey magaca bahda Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la’isku naxariisto, sidoo kalena la caawiyo dadka danta yar ee ku dhaqan gudaha dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saray “Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Swan ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed nabad, si looga gudbo marxaladda adag ee lagu jiro, isla-markaana loo baahan yahay midnimo.

“Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee ka-fikirka xaaladaha uu idiin horseedo farxad iyo midnimo! Ramadaan kariim, Soon wanaagsan,” ayuu kusoo gabagabeeyey.