Midowga Musharraxiinta oo soo jeediyey tallaabo ay doonayaan in la qaado kadib muddo kororsigii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladda cusub ee uu dalku galay, gaar ahaan muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo baarlamaanka Somalia.

Ugu horeyn qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in go’aanka kasoo baxay golaha shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyey hay’adaha dowladda uu yahay mid sharci darro ah, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkooda oo afar sano ah, sida ku cad dastuurka.

Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dastuurka dalka iyo shuruucda u taalla dalka ay jabiyeen koox yar oo uu hoggaaminayo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka.

Sidoo kale golaha ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto wax ugu yeereen kali-talisnimo dalka lagu burburinayo dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn musharraxiinta ayaa qoraalkooda ku soo hadal qaaday tallaabadii uu qaaday taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasam (Joon), iyaga oo sheegay inuu iska diiday qaadashada amarro gurracan oo lagu burburinayo dalka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si adag u diidayaa muddo kororsiga sha darrida ah ee maanta uu ku kacay guddoonka Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisu dhammaaday Sida ku cad Qod. 60aad ee Dastuurka dalka muddada xil-haynta Baarlamaanka waa afar sano oo ka billaabanaysa maalinta la dhaariyo. Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa inta uusan idlaanin muddo xileedkooda si wadajira u ansixiyey heshiiskil doorasho ee l7 September ay wada gaareen madaxda dawlad Goboleedyada iyo kuwa dawladda Federaalka ah ee uu xilkoodu dhammaaday iminka.

Goluhu wuxuu caddaynayaa in dastuurkii dalka iyo go’aankii labada aqal ee Baarlamaanka ay jebiyeen koox yar oo uu hormuud u yahay madaxweynaha iyo guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhacay.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan difaaca dalka iyo ka hortagga kalitalisnimada dalka lagu burburinayo.

Wuxuu Goluhu bogaadinayaa tallaabta uu qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo iska diiday amarrada gurracan ee danta dalka iyo dadka lagu burburinayo. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saraakiisha kale ee ciidanka in ay waddadaas qaadaan, si ay sumcaddooda iyo tan dalka u badbaadiyaan.