Senate-ka Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsiga hay’adaha DF Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Senate-ka Mareykanka ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta uu Golaha Shacabka Soomaaliya shalay u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka, muddo kordhintaas oo ah laba sano.

Qoraal kasoo baxay guddiga arrimaha dibedda Mareykanka ee Senate-ka ayaa lagu sheegay in ka shaqeynta muddo kordhin ay jebineysa xeerarka dimoqraadiyadda islamarkaana ay halis xasillooni darro u keeneyso Soomaaliya.

“Doorashooyin waqtigooda ku dhaca waa tiir muhiim u ah dimoqraadiyad caafimaad qabta. Ka shaqeynta muddo kororsi waxay jebineysaa xeerarka dimoqraadiyadda waxayna halis xasllooni darro gelineysaa Soomaaliya. Saamileyda siyaasadda waa inay heshiis garaaan. Isku dayada lagu waxyeeleynayo wada-hadallada ku aadan waddo loo maro codbixin la isku haleyn karo waa inay joogsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Senate-ka oo lasoo dhigay twitter.

Ka sokow qoraalka Senate-ka, ma jiro weli war rasmi ah oo ku aaddan muddo kordhinta oo kasoo baxay dowladda Mareykanka, ama hay’adda fulinta. Sidoo kale waxaan jirin falcelin ay arrintan ka sameeyeen hay’adaha iyo dowladaha kale ee Reer Galbeedka ee daneeyaa arrimaha Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu klasoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wakiilada beesha caalamlka ee Muqdisho ay weli ka hadlayaan tallaabada ay qaadi lahaayaan. 

Waxay sidoo kale wada-hadallo la leeyihiin madaxweyne Farmaajo, oo ay kala hadlayaan inuusan saxiixin sharciga baarlamanka ee muddo kordhinta. Inkasta oo Farmaajo uu soo dhoweeyey sharciga haddana weli ma saxiixin, taasi oo macnaheedu yahay inuusan dhaqan-gelin, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku deg degi doonin.

Beesha caalamka ayaa rumeysan in xaqiiqda aah in sharciga aanu weli dhaqan-gelin ay siineyso fursad ay uga dhaadhiciyaan Farmaajo in laga laabto, taasi oo ah mid ka mid ah sababaha aysan weli usoo saarin qoraal rasmi ah.

Haddii madaxweynaha uu saxiixo, waxaa la rumeysan yahay inay qaadi doonaan tallaabooyin ay ka mid yihiin; aqoonsiga oo lagala laabto dowladda federaalka, taageerada dhaqaale oo laga jaro iyo cunaqabteyn la saaro shakhsiyaadka ku lugta leh arirntan.