DF oo weysay laba ka mid ah baarayaashii ugu fiicnaa ee dambiyada faraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa laba maalin oo isku xigta Muqdisho lagu dilay G/Sare Mahad Cali Cilmi oo caan ku ahaa magaca (Mahad Dollar) iyo G/Dhexe Cismaan Shariif oo isna ku magac dheeraa (Cismaan Laba-goodle), waxayna ahaayeen laba sarkaal oo isku tababar ah. 

Mahad Dollar oo la dilay Axaddii, iyo Cismaan Laba-goodle oo la dilay xalay, waxay mid kamid ahaayeen saraakiisha fara-ku-turiska ah ee yaqaanay baarista dambiyada faraha, waxuuna Mahad Dollar ka tirsanaa hay’adda Main Action ee baarta qaraxyada.

Sidoo kale Mahad Dollar ayaa ahaa sarkaal ka tirsan hay’adda dambi baatista booliska Soomaaliya ee CID-da, inkastoo waayihii dambe uusan xaruntaas uga howlgeli jirin si toos ah. 

G/Sare Cismaan Laba-goodle ayaa goor habeen ah lagu toogtay degmada Kaaraan, waxaana dilay koox afku u duubnaa oo wadatay mooto Bajaaj, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online.

Sidoo kale Mahad Dollar ayaa maalin cad lagu dilay banaanka hore ee suuqa Caanaha ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana isaga iyo askari la socday toogtay koox dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa.

Mahad Dollar waxa uu kamid ah saraakiishii hore ee qaranka, waxuuna ka qeyb qaatay baatista iyo ka gun gaaridda dembiyo culus oo lagu ogaaday dhinaca faraha ah.

Saraakiil ay xigto yihiin Mahad islamarkaana ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay aad u baadi goobayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo shaqsiyaad kale oo uu ka qeyb qaatay in la helo dambiyo ay galeen. 

Xogta ayaa sidoo kale tilmaameysa in dhowr jeer isagoo aan kamid aheyn hay’adda CID uu ka qeyb qaatay baarista dambiyo culus oo looga maarmi waayay.

Ilo wareedyo aad ugu dhawaa Mahad Dollar ayaa Caasimada Online u sheegay in waayihii dambe uu dowladda ka diidanaa inuu toos uga howlgalo xarunta baarista dembiyada booliska ee CID-da, maadaama uu ku xeel-dheeraa baaritaanka faraha dembiga lagu geystay.

Waxaa la sheegay inay aad u yaryihiin saraakiisha Soomaalida ah ee heysata tababarka baarista faraha dadka lagu tuhmo inay dembiyo geysteen.

Mahad Dollar ayaa sidoo kale ahaa sarkaal si shaqsi ah u shaqeysta waxa uuna heestay ciidan u gaar ah oo canshuurta uga uruuriya suuq ku yaala xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan. 

Dilka labada marxuum oo kala dambeeyey wax ka yar 24-saac waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo barahooda bulshada ku soo daabacay inay iyagu dileen.