Mareykanka oo xadgudubyo culus ku eedeeyey DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waaxdeeda dimoqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka kuna saabsan xaaladda Soomaaliya ee 2020-kii ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku kacday falal wax u dhimaya dimoqoraadiyadda iyo xuquuqul insaanka.

Qoraalka oo ahaa mid dheer ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey iney ku kacday falal ka baxsan bani’aadamnimada sida xarig sharci darro ah, dad gacanteeda lagu waayey, diidmada isu soo baxyada shacabka, baaris la’aan iyo arrimo kale oo ka hor imaanaya xeerarka caalamiga ah.

Warbixinta ay wasaaradda qortay waxaa lagu sheegay in 60% dilalka dadka rayidka ah loo geystay ee ka dhacay Soomaaliya inta u dhaxeysay November 2019 ilaa August 2020 ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, waxaana intaas dheer isla wakhtigaas in dowladda ay riday 32 xukun oo dil ah, taasi oo ay maxkamadda amartay.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda ay caburisay warbaahinta, waxaana si gaar ah loogu xusay in wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja la heystay in u dhaxeysa February ilaa August sanadkii 2020 kadib markii lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay ineysan wax ixtiraam ah siinin sharciyadda xariga sida ineysan heysan karin qof aysan u heysan warqad xiritaan, iyadoo ay taasi ogyahiin hadana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waxey sheegtay iney iska indho-tirtay.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in dadka loo soo qabto arrimaha siyaasadeed aan badankood sharciga la marin, waxeyna tusaale usoo qaateen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo tan iyo 2018 xiran maxkamad la’aan.

Intaas kaliya loogama harin eedaha dowladda ee saraakiil sar-sare oo xukuumadda ka tirsan ayaa lagu eedeeyay iney magacooda iyo magaca dowladda dad uga barakiciyeen goobo ay daganaayeen ama ay xoog kaga qaateen.

Arrimaha warbaahinta oo aad loogu dhaliilay dowladda waxaa la sheegay iney guulo ka keeni weysay baritaanada ay ku sameeyeen dilalkii loo geystay Cabdiweli Cali Xassan, Maxamed Sahal Cumar iyo Hodan Naaleeye, waxaa intaas dheer in xoriyadda hadalka oo ay caburiyaan lagu eedeeyay sida xarigii ay u geysteen Cabdicasis Guribiye oo ka tirsanaa warbaahinta Goobjoog.

Ugu dambeyntii dowladda waxaa si weyn loogu dhaliilay iney diiday isku soo bax weyn oo ay abaabuleen mucaaradka, taasna ay ka hor imaaneyso dastuurka, waxaana jirta sidoo kale in guddiga maaliyadda lagu eedeeyay iney jiraan hay’ado si xisaab la’aan ah qandaraasyo ula galay dowladda.