Yuusuf Garad: Baarlamanka Somalia waa la curyaamiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Yuusuf Garaad Cumar ayaa baaq u diray golaha shacabka Soomaaliya, isaga oo shaaca ka qaaday in laga marin habaabiyey hawlahoodii.

Yuusuf waxa uu sheegay in xoogagga isku haya siyaasadda Soomaaliya ay keentay in xildhibaanada ku adkaato in ay aragtidooda dhibitaan. Ma uusan shaacin waxa ay yihiin xoogagaas, balse waxaa loo qaatay dowladda iyo mucaaradka.

Qoraalka uu maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri: “Xildhibaanka waxaa ku waajib ah in arrin kasta oo la horkeeno Baarlamaanka uu ra’yi ama haddii ay gaarto uu cod ka dhiibto. Ma ahan in Baarlamaanka la cuuryaamiyo si looga manaafacaadsado laba dhinac oo is diiddan.”

Qoraalka Yusuf Garaad ayaa ku soo beegmaya xilli ay doodo iska soo horjeeda ay baarlamaanka ka jeedinayeen xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa taageersan dowladda.

Sidoo kale waxa ay shacabka aad u dhaliileen dooddii uu amniga ka yeeshay baarlamaanka oo u muuqatay mid siyaasadeysan, taasi oo dowladda si aad ah loogu garaacay.

Waxaa ay xildhibaanada qaar isu weearayeen si shaqsiyan ah halkii ay la imaan lahaayeen doodo caadimad qaba.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com