28.2 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

Zakariye Xaaji oo si kulul uga hadlay Khilaafka DF iyo maamullada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa si adag uga hadlay Khilaaf Siyaasadeedka dowlada Federaalka ah ee Somalia kala dhexeeya maamul Goboleedyada dalka.

Xildhibaan Zakariye Xaaji, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in xiisada labada dhinac ay gaarto meel fog, waxa uuna ku baaqay inaan lagu fogaan xiisada.

Xildhibaan Zakariye Xaaji, wuxuu ka digay khilaafka ka dhex taagan Dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada dalka oo uu sheegay inay sababi karto burbur Qaran.

”Waxaa noo muuqanaaya in khilaafka laga dhigtay mid lagu wado maro, anagoo ka duuleyna dhibaatada ka dhalankarta khilaafka waxaan ka digeynaa in la carqaladeeyo horumarka hadda jira”

”Waxaan ku talineynaa in laga fogaado xiisadaha ka dhex aloosan dowlada iyo maamulada, iyadoo laga fakeraayo maslaxada umadda Soomaaliyeed”

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay Dowladda dhexe inay leedahay qaadashada mowqifka ku aadan arrimaha dibadda, balse Maamul Goboledyada laga doonaayo inay kala tashano Dowladda go’aanka ay qaadaneyso.

Xildhibaan Zakariye ayaa wuxuu tilmaamay haddii uu sii socdo khilaafka ka dhex taagan Dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada inuu gaari karo meel halis ah oo aanan waxba laga qaban karin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddooyinkaan dambe soo baxaayay khilaafaad kala duwan oo ka soo dhex iftiimaayay dowladda Dhexe iyo Maamul Goboledyada, taasi oo salka ku haysa go’aankii Maamul Goboledyada ay ka qaateen khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News