Ahlu Sunna oo aqoonsatay Madaxweyne Xaaf: Akhriso waxyaabaha lagu heshiiyey

Cadaado (Caasimadda Online) – Sida aad ku akhrisateen wararkeenii hore Generaal Maxamed Nuur Galaal ayaa Shalay gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Galmudug, iyadoo ujeedka safarkaas uu ahaa sidii loo mideyn lahaa Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Haddaba General Galaal oo wareysi xasaasi ah siiyey Idaacada BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ayaa ka dhawaajiyey inay labada Maamul is afgarteen isla markaasna ay dhawaan labada madaxweyne safar dhulka kusoo mari doonaan dhammaan deegaanada hoostago Maamulka Galmudug.

“Mar hore ayuu bilowday wada hadalka, wejiyo badan ayuu soo maray, hadda meel fiican ayuu soo gaaray, waxaa lagu heshiiyay in caasimadda noqoto magaalada Dhuusamareeb, Cadaadana uu baarlamaanka fadhiyo halka Caabud-waaqna garsoorka laga dhigayo” ayuu sheegay Gen. Galaal.

Mar aan weydiiney xilliga uu bilaabanayo wada hadal fool-ka-fool ah waxaa uu ku jawaabay “xilligaasi kuma dhihi karo, laakin waa uu bilaabanayaa, waayo mar haddii la is ogolaaday, waa in la wada hadalo, howlahana la dhameeyo”.

Wuxuu Generalka sidoo kale xusay in dhawaan ay Labada Mas’uul, Madaxweyne Xaaf ito Sheekh Maxamed Shaakir ay kormeer ku mari doonaan Dhuusamareeb ilaa Matabaan, safarkaas oo lagu muujin doono in labada Mas’uul ay is fahmeyn isla markaasna uu soo dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyey.

Ugu Dambeyntii, waxaan Gen. Galaal weydiinay in Ahlus-unna aqoonsan tahay madaxweynaha Galmudug iyo maamulkiisa “Waxaa ay doonayaan in Galmudug qeyb ka noqdaan, waana aqoonsan yihiin madaxweynaha Galmudug, arrintaas meel fiican ayey mareysaa” ayuu ku jawaabay.

General Galaal oo awood ku leh go’aanka Ahlu Sunna ayaa la aaminsan yahay inuu isaga ka dambeeyo isku soo dhawaanshaha iyo heshiiska dhex maray labada dhinac.

Heshiiskaan ayaa caddeyn u ah inay Ahlu Sunna aqoonsatay Madaxweyne Xaaf markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay maadaama Ahlu Sunna ay markii hore diiday inay aqoonsato.

Siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanada Galmudug ayaa si weyn usoo dhaweeyey heshiiskaan dhex maray Ahlu Sunna iyo Galmudug, waxayna sheegeyn inuu noqon doono mid taariikhi ah.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa.