Daawo Video: Madaxweynaha Somalia iyo kan Mauritania oo la isku qalday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixintaani oo muuqaal ah ayaa waxa uu ka baxay Tv-ga Qaranka Jordan, kadib markii ay isku khaldeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mauritania oo qeyb ka ahaa Shirka Jaamacadda Carabta ee kusoo xirmay magaalada Camaan.

Tv-ga Jordan ayaa warbixintaani baahiyay xili la falanqeynaayay Shirka isla markaana Jordan ay soo gaarayeen Hogaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacada Carabta.

Weriyaha tabinaayay warbixinta ayaa Madaxweynaha Somalia ku tilmaamay Madaxweynaha Mauritania.

Boqorka Jordan Boqor Cabdalla-ha Labaad ayaa markii uu ku soo dhoweynayay Madaxweyne Farmaajo xarunta shirka uu ka dhacayay, ayaa waxaa Wariyihii sida tooska ugu soo tabinayay Telefishinka waxaa uu sheegay in Boqor Cabdalla uu salaamayo, soona dhoweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA