Hirshabelle oo sheegatay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho (Warbixin)

Jowhar (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali Cabduulahi Cosoble, ayaa ka hadlay dhulka uu ku fadhiyo maamulkiisa iyo qorshaha kaga aadan maamulka.

Cali Cabduulahi Cosoble, ayaa sheegaya in xaafado ka mid ah Kaaraan iyo Haliwaa ay ka tirsanyihiin maamulkiisa Hirshabelle.

Waxa uu sheegay in maamulkiisa uu sameyn doono calaamadeynta xuduudaha, si buu yiri loo kala saaro xaafadaha isku furan ee ka kala tirsan Muqdisho iyo Hirshabelle.

Waxa uu tilmaamay in maamulada Kaaraan iyo Heliwaa ay ku fadhiyaan dhul farabadan oo sharci ahaan taabacsan Hirshabelle, waxa uuna ku baaqay in aragti gaara loo yeesho.

”Marba haddii aan dhisnay nidaamka uu ku shaqeynaayo maamulka, waxaa noo harsan inaan calaamadeyno xadka Hirshabelle”

”Dhulka Hirshabelle waxaa kamid ah xitaa Xaafado hadda ka tirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir”.

Cali Cabduulahi Cosoble, waxa uu sheegay iney muhiim tahay in la garto xuduudaha ay maamul Goboleedyada kala leeyihiin iyo sohdimahooda.

Haddalka Cali Cabduulahi Cosoble, ayaa imaanaya xili dhawaan uu Wasiirada maamulkiisa ku amray inay gutaan waajibaadkooda, waxa ayna howshaani khuseyneysaa Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com