Turkey oo war cad ka soo saartay wararka sheegaya inay saldhig milatari ka furaneyso Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa beenisay wararka sheegaya in Saldhig Millitery ay ka dhisaneyso Somalia, gaar ahaan agagaarka Xeebaha magaalada Muqdisho.

Ambassador Olgan Beker oo Dowlada Turkiga u fadhiya Somalia, ayaa sheegay inaanu garaneynin halka laga keenay wararka sheegaya in Saldhig ay ka furanayaan magaalada Muqdisho.

Ambassador Olgan Beker oo Wareysi Khaasa siinaayay Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegay inaanu waxba ka jirin wararka sheegaya in Saldhig Millitery ay ka furanayaan Somalia, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

“Ma ahan saldhig milatari, sida midka aan Qatar ku leenahay ee waa xero tababar” ayuu yiri safiirka.

Waxa uu sheegay in Turkiga ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Dowlada Somalia, balse aysan diyaar u aheyn inay dhistaan Saldhig Millitery.

Waxa uu tilmaamay inay Somalia iyo Turkiga muddo dheer saaxiibo ahaayeen, isla markaana uu sii xoogeysanayo Xiriirkooda, lana filayo in ay Dowladda Turkiga dhawaan Muqdisho ka furan Xero cusub oo lagu tababaro Ciiddanka.

Wuxuuna intaasi ku daray inaysan sax ahayn qaabka ay Warbaahinadda uga hadleen Arrintaasi, kuna sheegeen inay Dowladda Turkiga Saldhig Milliteri ka dhisanayso magaalladda Muqdisho.

Ambassador Olgan Beker waxa uu cadeeyay in 200 Saraakiil Turkish ah loo soo diri doono Somalia, si ay Tababarayaal uga noqdaan Xeradda Tababarka Milliteriga ee ay Turkiga bisha soo socoto ka furan doonaan Muqdisho.

Sidoo kale, Xerradaasi ayaa waxa la bilaabay bishii March ee sannadkii 2015-kii, wuxuuna ku fadhiyaa masaafo dhan 400 Hectares, oo ay ku dhex yaallaan 3 Dugsi ee Tababarka Milliteri, Hool weyn oo la seexdo iyo Bakhaaro lagu kaydiyo Qalabka Milliteriga.

Si kastaba ha ahaatee, Dolwada Turkiga ayaa si muuqata Soomaaliya uga caawiyo dhanka ciidanka tababarkooda, arimaha Gar gaarka Bini’aadinimada iyo arimo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com