Erdogan oo Donald Trump ka dalbaday hal arrin oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan, ayaa dhigiisa Mareykanka Donald Trump, kala hadlay xaalada dalkiisa kadib markii ay ku kaceen Xisbiyada Mucaaradka bilihii ugu danbeeyay.

Erdogaan ayaa dhigiisa u sheegay in Turkiga uu aad ugu dadaalayo abuurida xasilooni ku faafta dhamaan qaarada, waxa uuna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in dib loo soo celsho xiriirka Diplumaasi ee kala dhexeeya Mareykanka.

Erdogaan ayaa warbixin guud kadib dhigiisa ka dalbaday in Mareykanka uu usoo gacan galsho wadaadka ku eedeysan afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga Mr Fethullah Gulen.

Erdogan waxa uu dhigiisa u sheegay in dowlada Turkiga ay aad ugu rajo weyn tahay in lagu soo wareejiyo Fethullah Gulen, waxa uuna intaa u raaciyay in Turkiga uusan wali ka kabsan dhibaatada kaga imaaday Afganbigii uu ka danbeeyay Fethullah Gulen.

Nuqul kamid ah dalabka Erdogaan ayaa ahaa ”Waxaan dhowr jeer isku daynay inaan ka shaqeyno sida lagu soo gacan galin lahaa Fethullah Gulen, waxaa jiray caqabado badan oo naga qabsaday maamulkii hore, waxaan rajo weyn ka qabnaa in Fethullah Gulen lagu soo simo gacanta dowlada”

”Waxaa jira tuhuno badan oo cadeymo loo helay Fethullah Gulen waxa uu ahaa shaqsigii ka danbeeyay afganbiga waxaan rajeyneynaa in nalagu soo wareejiyo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal” ayaa lagu yiri warbixino ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Turkiga.

Erdogaan ayaa Turmp u sheegay in walwal ay ka qabaan in dowladiisu ay la mid noqoto dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Obama, taa oo dafirtay talaabooyinka Fethullah Gulen ee lagu carqaladeeyay xasiloonida dalkiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa aad usoo dhaweeyay dalabka dhigiisa Turkiga waxa uuna Trump ballanqaaday inay qaadi doonaan talaabo wax looga qaban doono dalabka dhigiisa.

Maamulka Donald Trump, ayaa ka ad adag maamulkii hore waxaana shaki badan uu ku jiraa in Trump uu wax ka qaban doono dalabka dhigiisa.

Ma jirto rajo muujineysa in Donald Trump uu fulin doono dalabka Madaxweyne Erdogan oo xurguf aay kala dhexeysay dowladii hore ee Obama.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com