Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee Xarunta KMG maamulka Galmudug ka socda diiwaan galinta Musharaxiinta loolanka ugu jira Doorashada halkaasi laga iclaamiyay.
Musharaxiinta xilka isku soo taagay ee doonaayay inay bedelaan C/kariin Guuleed, ayaa waxaa la sheegay inuu kamid yahay Ganacsade ex Xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf oo kamid ah Siyaaiinta Soomaaliyeed.
Xaaf oo noqday Musharaxii ugu horeeyay ee damca Kursiga C/kariin Guuleed, ayaa sheegay in xiligaani uusan jirin Hogaamiye rasmi ah oo ka arimiya deegaanada Galmudug.
Xaaf waxa uu sheegay in Guuleed uusan mudneyn inuu sii joogo deegaanada maamulka, waxa uuna tilmaamay inuu yahay musharax u’taagan qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.
Damaca Axmed Ducaale Geele xaaf ayaa imaanaya xili xildhibaano kusugan magalada Cadaado ay horey u’sheegeen in ay xilka ka qaadeen C/kariin Xuseen Guuleed inkastow C/karin Guuleed uu arin kaas sikulul kaga horyimid.
Geesta kale, Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa la sheegay inuu yahay Ganacsadaha dhaqaalaha badan ku bixiyay Mooshinka laga keenay C/kariin Guuleed, kadib markii uu hor istaagay Rajadii uu Xaaf ka qabay in mar kale uu kamid noqdo BFS.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

