10 arrimood oo la filayo inay dunida ka hir-galaan 2014-ka (Maxaa ka mid ah?)

Khubaro falanqaynta dunida ku takhsustay oo Websetka Al jazeera ku qortay maqaal aad u xiiso badan ayaa ku soo bandhigtay waxyaabo la rajaynaayo in ay hirgalaan sanandka 2014 ee inagu soo fool leh, inkastoo Ilaahay ogyahay wixii maqan ee dhici doona, haddana bal waynu u wada joogi waxa ka hirgala arrimahan.

1. Xaalada Suuriya wax badan baa iska beddeli doona, Madaxweyne Assadna waxa amni ahaan doona, isla markaana xilka sii joogti doona inta uu dhammaanayo sannadka 2014, sababtoo ah waxa aad ugu adkaysanaya in uu awoodda si haysto dalalka Ruushak iyo Iran.

2. Waxa muhiimad badan u leh amniga adduunka heshiiska lagu gaadhay in Iran samaysashada iyo bac-riminta macdanta Uranium joojiso, waxaana lagaa yaaba in arrintan ay heshiis ka dhex dhaliso dawladaha Maraykanka, Fransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Shiinaha.

3. Dalal badan oo adduunka ah waxa ka dhici doona doorashooyin, gaar ahaan waxa doorasho ballaadhan ka dhici doonta dalka Hindiya, waxaana awoodda laga qaadi doona xisbiga koongaraska ee niyad-jabka shacabka Hindiya ka qaadeen, waxaana hoggaanka u qabandoona doorashada xisbiga BJP ee uu hoggaamiyo Narendra Modi, halkaasna waxa kaga bixi doona muslimiin badan oo siyaasiyiin ah.

4. Waxa sidoo kale doorasho ka dhici doonta dalka Koonfur Afrika,w axaana ku guulaysan doona xisbiga ANC, balse dadku waxay aad uga welweli doonaan musuqa iyo faqri badan.

5. Siyaasada dalka Nigeria waxay noqon doonta mdi qasan, xisbiga talada haya ee PDP waxa uu geli doona xaalad halis ah oo dhibaatooyin badan la soo darisaan, balse waxa kor u kici doonta dhaqaalaha dabaqada dhexe ee dalkan?

6. Dalka Scotland waxa uu u codayn doona inuu ka madaxbannaanado boqortooyada Ingiriiska, balse natiijada ka soo baxda waxay noqon doonta ?Maya? oo macnaheedu yahay inaannu ka madaxbannaanayn.

7. Gobolka Yurub wuxuu ahaanaya mid sii xooggaysta, waxaanay dalka Latvia uu noqon doona dalka 18aad ee ku biira dalalka lacagta kaliye ka shaqayso, balse siyaasada Talyaaniga, Portual, Giriiga waxay ahaanaysa mid qasan, waxaana la rajaynaya in ugu yaraan mid ka mid ah dalalkan dawladiisu dhacdo.

8. Dhammaadka sannadka 2014 Mr. Jullian Assange oo ah ninka madaxda ka ahaa Websetka siraha badan reer galbeedka iyo caalamkaba ka baahisay ee Wikileaks waxa uu sii joogi doona safaarada dalka Ecuador ee magaalada London, halka ninka sirdoonka Maraykanka kashifay ee Edward Snowden uu ku sii sugnaan doono dalka Ruushka.

9. Sarajevo waxa ku qulquli doono dalxiisayaal badan, iyagoo ka qaybqaadana sannad-guurada 100 ee ka soo wareegtay dagaalkii 1aad ee adduunka, kuwaasoo u daawasho tegi doona halka uu ka dhacay shirqoolkii hoggaamiyaha dagaalku ka dhashay ee Archduke Franz Ferdinand.

10. waxa la saadaalinaya koobka adduunka ee lagu qaban doono 2014 dalka Brazil in dalka Jarmalku ku guulaysan doono, kaasoo noqon doona dalkii ugu horreeyey ee Yurub ka socda ee koob ku qaada Koonfurta qaarada America.

W/ Turjumay Ibrahim Khadar