10 sabab oo aan loo ansixin karin xeerka cusub ee saxaafadda Soomaaliya

Xeerka Saxaafadda oo ay  golaha wasiirrada meelmariyeen khamiistii(July 14, 2017), isla markaana sugaya golaha shacabka iyo saxiixa madaxweynaha waxaa ka dhashay muran iyo kala aragti duwaanshiyo u dhaxeysa Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo wasaaradda warfaafinta.

Xeerka oo la sheegay in wasaaradda warfaafinta ay ku sameysay dib u eegis waxaa ku jira qodobo is burinaya, waa xeer la leeyahay waxaa lagu dhisayaa guddi madaxbanaan laakin isla guddigaasi waxaa magacaabaya wasiirka warfaafinta.

Qoraalkan hoose, waxaan ku eegi doonnaa 10 qodob oo Saxafiyiinta Soomaaliyeed u arkaan tixgelintooda in ay muhiim tahay marka sharcigan uu wasiirka warfaafinta Eng. Cabdiraxmaan Cumar Yariisow horgeeyo golaha shacabka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobada Shakiga Ku Jiro Ee Xeerka:

1. Wasaaradda Warfaafinta ayaa guddiga maamusha: guddigan ‘Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS) waxaa qoran in uu madaxbanaan yahay laakin sida xeerkan saxaafadda ku qoran waa: Guddiga waxaa golaha wasiirada u soo jeedinaya wasiirka wasaardda warfaafinta, kadib markii goluhu ansixiyana waxaa dikreeto ku soo saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya…..aaway madaxbanaanida haddii wasiirka uu magacaabayo cidda uu rabo?

2. Xulista Guddiga ‘Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS): Xeerkan kuma cadda, cidda guddiga 9-ka xubnood ah soo xuleysa iyo qaabka lagu soo xulayo

3. Xubnaha Guddiga:  qodobkan waa mid isburinaya, Xubnaha waxaa la sheegayaa in ay ku jiraan 3 xubin oo ka mataleysa warfaafinta dowladda iyo 3 xubin oo wabaahinta gaarka ah, Laakin waxaa isla qodobkaas ku jira in aanu ka mid noqon Karin: Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest)..Hadana Yaa matalaya warbaahinta dowladda ah iyo midda gaarka ah?

4. Ganaaxa: Guddigan waxaa uu leeyahay in ay abaalmariyaan ama ganaaxaan cidda ay u arkaan sidaasi, waxaa meesha ka maqan in la dhiso guddiga Discipline-ka sida dalalka caalamka ka jirta, waxaa kale oo ka maqan guddiga dacwo dhageysi.

5. Guddiga Ma Difaacayo Warbaahinta: Meelna kuma qorna xeerkan in guddiga uu difaacayo Saxafiga ama hey’adaha warbaahinta.

6. Cidda Saxafi Noqoneysa: Xeerka Saxaafadda, waxaa ku qoran in Saxafi uu noqon karo qof kasta oo leh xirfad saxaafadeed ama ku dhex jiray  mihnadda saxaafadda muddo 2 (labo) sano ah ama ka badan..ka waran qofka aan shahaado ama xirfad u laheyn Saxaafadda balse doonaya in uu ku soo biro, Ma labo sano ayaa la sugayaa.

7. Nidaamka Shatiyada lagu Bixiyo: Xeerkan waxaa ku jira faqradiisa B- Waa inay jirtaa baahi loo qabo warbaahintan waafaqsan tahayna qorshaha qaranka…Yey tahay in uu sheego baahida iyo  waafajinta qorshaha qaranka

8. Faafin Xog Been ah: Xeerkan waxaa ku qoran“ Waxaa reebban in la faafiyo warar ama qoraallo been ah iyo dacaayad lid ku ah sharafta muwaadin, shakhsiyaad, hay’ad ama dawladda, iyadoo Warbaahintii falkaas ku kacda laga doonayo caddeyn dhab ah……..Xeerka, ma qeexayo waa maxay been abuur, halkan waa meesha uu dhibka iyo isku dhaca ka iman doono!!

9. Lacag: Waxaa la sheegay in la qaadayo lacag ruqsad ama Canshuur sanadle ah, halkan kuma cada tirada lacagtaasi.

10. SONNA: Waxaa xeerka lagu soo daray SONNA, arrintaas oo u baahan in la fahmo.

Dhanka kale, Xeerka waxaa dood ka keenay, isla markaana sheegay in la dhinac maray soo jeedinta warbaahinta madaxabanaan ururka midowga Saxafiyiinta qaranka iyo hey’adaha kale

Ugu Dambeyntii Xeerkan waxaa horay todobaadkan u dhaleeceeyay hey’adaha kala ah “The International Federation of Journalists (IFJ) “,  iyaga oo sheegay in uu khatar ku yahay Saxafiga Soomaaliyeed, waxaa kale oo wasaaradda warfaafinta looga digay in ay faraha kala baxdo xeerka Saxafiiyiinta si loo helo Saxaafad xor ah.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com