11 qof oo Beledweyne ku dhintay kadib markii uu ku…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay haatan ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka oo fara kulul ku hayo.

Ugu yaraan illaa 11 qof oo u badan carruur ayaa saacadihii lasoo dhaafay xanuunka ugu geeriyootay gudaha magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dhaqaaqtiirta caafimaadka.

Sidoo kale waxaa isbitaallada yaalla carruur kale oo il daran, kuwaas oo uu soo ritay Cudurka Shubanka, waxaana haatan la tacaalaya bahda caafimaadka.

Cudurka ayaa dilaacay kadib markii laga soo noqday fatahaadda ku dhufatay magaalada Beledweyne oo xaafadaha ku reebtay biyo wasaqeysan.

Sidoo kale waxaa jirta daawo yari iyo xaalad adag oo ka taagan qaar kamid ah isbitaallada ku yaalla xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Meelaha ugu daran ee haatan dhibaatada laga soo warinayo waxaa kamid ah xaafadaha  Buundaweyn, Kooshin iyo Xaawo-taako oo ahaa meelaha ugu daran ee fatahaadda.

Reer Beledweyne ayaa sanadkan wajahaya xaalado adag, sida fatahaadda Elinino, qaraxyo ka dhacay magaalada oo dad badan ay ku dhinteen iyo Shuban Biyoodka hadda dilaacay.

Si kastaba, waxaa haatan soconaya dadaallo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha caafimaadka oo ku aadan sidii looga hortegi lahaa xaaladdaasi.