12 qodob oo uu MUUNGAAB ku waayay xilkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xil ka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), ayaa noqotay hadal heynta ugu badan ee iminka ka taagan Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.

Xil ka qaadista Mungaab oo mudooyinkii ugu danbeeyay la hadal hayay ayaa waxaa iminka loo cuskaday qodobo dhowr ah, kadib markii Xafiisyada Madaxweyne Xassan Sheekh, Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha Gudaha ay gaaren dacwado cadeymo leh oo soo dadajisay xil ka qaadista Mungaab.

Qodobada soo dadajiyay Xil ka qaadista Mungaab ayaa waxaa kamid ah:

1-Miisaaniyada gobolka kasoo xaroota oo aan ku dhicin Bangiga Dhexe ee Somalia.

2-Gaadiid dhan 58 oo loogu deeqay Gobolka Banaadir oo aan gaarin Maamulada Degmooyinka.

3-Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo shaqaalaha Gobolka oo aan qaadan xuquuqdii ay ku lahaayen Maamulka .

4-Amar ku taagleyn iyo adeegsiga awoodaha uu leeyahay Madaxweyne Xassan Sheekh.

5-Canshuurta laga soo uruuriyo shacabka Muqdisho oo ku dhacda akoonadiisa.

6-Musuq-maasuq, Eex, isdabamarin iyo amardiido ka dhan ah Wasaarada Arrimaha gudha iyo Federaalka dalka.

7-Horumarin la’aanta Gobolka iyo dhaqaalihii loo qoondeeyay mashaariicda lagu hormarin lahaa dalka oo galay jeebkiisa.

8-Is hortaaga howlaha lagu xaqiijin lahaa amaanka.

9-Aadista Safaro aan ka warqabin Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

10-Isticmaalka hanti shacab iyo iibsasho la sheegay guryo ay lahaayen dad dalka dibada uga maqan iyo kuwo ku sugan gudaha dalka.

11-Qorashada ciidamo aan u diiwaan gishneyn Dowlada kuwaasi oo qas iyo dhibaato ku hayo Bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

12-Xabsi iyo jirdil loo geysto qoysaska la iibsaday hantidooda iyo dacwado dhowr ah oo gaaray Xafiisyada Xassan Sheekh, Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com