Dhageyso: Siilaanyo oo jawaab siiyey wasiirada!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in wasiirada iscasilay ay xaq u leeyihiin, halkoodiina ay cid kale soo geli doonto.

Hadalkan madaxweynaha, ayaa ka danbeeyay shan wasiir iyo saddex wasiir xigeen oo iska casilay maanta xukuumadiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiiradii madaxtooyada, arimaha dibedda, shaqada iyo arimaha bulshada, cadaaladda iyo hawlaha guud.

Wasiir ku xigeenaduna waa, wasiir xigeenadii hawlaha guud, dib u dejinta, iyo shaqada iyo Arimaha bulshada.

Wasiirka arimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi yoonis, wuxuu BBC-du sheegay inay isu casileen wasiiradani, iyadoo buu yidhi madaxweynuhu la saftay murashax gaar ah, halkii uu dhex u noqon lahaa murashaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye.

Hoos ka dhageyso Siilaanyo