Xog: Guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo durbadiiba billaabay arrin cajiib ah.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), ayaa waxaa walaac lasoo darisay Gudoomiyayaasha Degmooyinka ee uu magacaabay Mungaab kadib markii ay baqdin kasoo wajahday dhanka Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiyayaasha oo isku uruursanaaya Hoteelada Muqdisho, ayaa bilaabay inay gorfeeyan Siyaasada uu la imaan doono Gudoomiyaha cusub ee badali doona Mungaab.

Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxa uu walaaca ugu badan ka heystaa in kan iminka la magacaabay uu ka xayuubiyo dhamaan xilalka ay ku magacaaban yihiin, waxaana la hadal hayaa inuu la imaan doono Gudoomiyayaal cusub.

Sidoo kale, Gudoomiyayaasha ayaa bilaabay inay xiriiro la sameeyan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha xilalka ay hayaan usoo dhameeyay si ay uga mid noqdaan Maamulka Cusub ee uu hogaamin doono Yuusuf Xuseen Jimcaale, inkastoo ay taasi ka fog tahay aragtida ay qabaan shacabka.

Somalia ayaa waxaa caado ka ah shaqsigii xil loo magacaabo inuu eryo dhamaan shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Maamulkii ka horeeyay waana tan Somalia ay kaga soo kabsan la’dahay dhibta iyo musuq-maasuqa hareeyay xarumaha Dowlada.

Waxaan la saadalin karin sida uu noqon doono maamulka cusub ee uu hogaaminaayo Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya inuu ku taamayo in uu isbedel ku saameyn doona min maamul ilaa degmo, taasi oo ay ku bixi doonaan Mas’uuliyiin farabadan oo iminka xilal kala duwan ka hayo Gobolka Banaadir.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse waxaa muuqata in xil ka qaadista Mungaab ay dadka si aad ah ugu faraxsan yihiin, halka dadka qaarna ay durbadiiba dhaliilo u jeedinayaan Gudoomiyaha cusub Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com