XOG: Guddiga farsamada maamul u sammeynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la kordhiyay..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la kordhiyay Tirada ergada ee la siinayo beelaha daga gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, maadaama dhawaan la doonayo in lasoo idleeyo maamulka labada gobol yeelanayaan.

Wararka Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in ku dhawaad 36 xubnood la gaarsiiyay tirada gudiga farsamada maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana lagu qancnayaa beelaha daga labada gobol.

Wararka ayaa sheegaya in beelaha daga gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay cabasho badan ka keeneen qaabka loo qeybsaday gudiga farsamada maamulka loo sameynayo labada gobolka, waxayna taasi dhalisay in ku dhawaad 5 xubnood lagu daro gudiga.

Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 xubnood loo qeybiyay beelaha ugu waaweyn ee daga Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

DHismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa dib u dhac uu ku yimid kadib lagu hishiisn waayay qaabka loo qeybsanayo gudiga farsamada, halka noqoneyso caasimada iyo cidda qaadaneyso xilka madaxweynaha maamulka labada gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com