Xog: Waa kuma gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir? + Beeshiisa & qorshaha magacaabista

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ninka lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka tirsan xisbiga Madaxweynaha isla markaana muddo dheer loo saadaalinayay inuu xilkan qaban doono.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa beel ahaan kasoo jeedo Abgaal, gaar ahaan Wacbuudhan, gaar ahaan Daa’uud , waxayna Qaraabo hoose yihiin Hogaamiye kooxeedkii Muuse Suudi Yalaxow, balse waxay si weyn isugu dhow yihiin madaxweyanha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

yusufYuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu ka mid ahaa saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna ka tirsana kooxda DAMU JADDIID ee madaxweyanaha ku wareegsan. Wuxuu kaloo ahaa Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka. Wuxuu wax kusoo bartay dalka Masar oo uu sanado badan u joogay isagoo diyaariyay Shahaada heerka labaad ee Master-ka.

Guddoomiyaha Cusub Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa horey ugu soo shaqeeyay xilligii dowladdii militariga wasaaraddii howlaha Guud isagoo ahaa Darawal waana nin da’diisa ku jirto kontomeeyo.

Wareegtada Lagu magacaabayo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale hoos ka arag.

12187926_1162833807079397_4374009426991011277_n

Wuxuu noqon doonaa guddoomiyihii saddexaad ee muddo saddex sano gudahood ah loo magacaabo Gobolka Banaadir, Xasan Sheekh ayaa hore xilka uga qaaday Maxamud Axmed Nur (Tarsan), kadibna magacaabay Xasan Muungaab, waxaana xilliga kala guurka ah uu madaxweynuhu doonayaa inuu helo saaxiibo uu isku haleyn karo, kadib markii la ogaaday inuu Muungaab ka mid yahay musharixiinta jagada madaxweynaha 2016-da.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com