Maxaadan ka ogeyn gudoomiye Yuusuf Jimcale?

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka xayuubiyay maalmo ka hor Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho, inkastoo maanta (Isniin) ah si rasmi ah loo shaaciyay xil ka qaadista Muungaab iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waa Kuma Sheekh Yuusuf?

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ka mid ah xubnaha xisbiga Madaxweynaha ee PDP, isagoo ahaa Xoghayaha arrimaha gudaha. wuxuu wax ku soo bartay dalka Masar gaar ahaan Jaamacadda Arab Open University, oo uu ka diyaariyay Shahaadada heerka labaad ee Master-ka.

Sheekh Yuusuf wuxuu bartay Qur’aanka iyo Diinta Islaamka,taasoo keentay in dadka qaarkiis ugu yeeraan Sheekh, isagoo nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu horaysay ee Dowladda Masar waxbarasho ugu deeqday maamulkii Cali Mahdi Maxamed sagaashameeyadii, mudo sanado ahna wuxuu deganaa Qaahira oo heerka waxbarasho uu kasoo gaaray.

Guddoomiyaha cusub oo beel ahaan kasoo jeeda beelaha dega gobolka Banaadir, gaar ahaan beesha Daa’uud, wuxuuna jufo hoosaad ay yihiin Hoggaamiye kooxeedkii Muuse Suudi Yalaxow.
Waxaa uu ka mid ahaa dadkii lasoo shaqeeyay Muuse Suudi Yalaxow, ka hor inta uusan u xuub siiban Hoggaamiye Kooxeednimada, balse uu maamulayay Maxkamaddii Madiina oo uu u ahaa darawalka gaarka.

Dadka aqoonta u leh Sheekh Yuusuf, waxay sheegeen inuu aaminsan yahay fikirka ah wax wada qabsi iyo caddaalad. balse waxaa isweydiinta tahay Wadaadku ma yahay xil iyo xoolo doon?, oo madaxda Sooomaaliyeed looga bartay.

Maxaa horyaala Guddoomiyaha cusub?

Shaki kuma jiro in caqabado badan oo dhan walba leh uu la kulmi doono Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, waxaana horyaala howllo qabyo ah oo u baahan in laga sii wado meesha ay taagan yihiin ee Muungaab ugu tegayo.

Caqabadaha ka hor imaan kara, ayaa laga xusi karaa inuu la kulmo mucaarado iyo diidmo beelaha qaarkood iyo siyaasad ahaan, hase ahaatee xiligan u muuqata in taasi laga soo gudbay.

Caqabadaha kale ee uu la kulmi karo ayaa ka mid noqon kara, fulin la’aanta sababihii dhaliyay in xilka laga qaado Guddoomiyihii hore oo markii danbe afka furtay, kana horyimid dano shaqsiyaad ka tirsan xukuumadda lacago ugu qaadanayeen hay’adda WFP burburinayay dalka iyo bilicda.

Maxaa laga sugayaa?

Guddoomiyaha cusub waxaa laga sugaa in balan qaadyadii Muungaab meeshoodii inuu kasii wado,, kuwaasoo laga xusi karo balan qaadkii furista 36 wado oo mas’uuliyiin, hay’addo iyo shaqsiyaad ku awood badan Muqdisho ay u xeran yihiin, dadkana ku dhiban yihiin. Laakiin tallaabadaasi ma noqon doontaa mid Guddoomiyaha cusub ku dhaqaaqo mise xilkiisa ayuu ilaalsan doonaa oo kuma deg degi doono?.

Sheekh Yuusuf wuxuu noqon doonaa Guddoomiyihii Labaad ee gobolka Banaadir u magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xiliga jiritaanka Dowladdan ay ka harsan tahay sagaal bil uun.

W/qoray Cali Muxiyaddiin Cali
Tifaftiraha Warfaafiye
Email: Muxiyaddiin@hotmail.com