XOG: MUUNGAAB oo Dokumentiyo halis ku ah XASAN Sheekh u gudbinaya Beesha Caalamka.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo dhowaan xilka laga qaaday ayaa la sheegay inuu ku howlan yahay qorshe halis ku ah madaxweyne Xasan Sheekh isagoo dokumentiyo qarsoodi iyo halis ah la wadaagaya wakiilada beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Xogta aany helnay ayaa sheegeysa inuu Muungaab horeba xiriir ula yeeshay guddiga UN-ka u qaabilsan ilaalada xayiraadda Soomaaliya iyo Ereteriya kana caawiyay xog ay ka doonayeen madaxtooyada Soomaaliya iyadoo taas bedelkeed ay guddiga ka saareen warbixintooda warar ku saabsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Xasan Muungaab.

Hore ayuu Xasan Muungaab uga digay madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu xilka ka qaado inuu baahin doono dhammaan fadeexooyinka dhulka iyo danta guud ee madaxweynuhu ku lug lahaa, dhammaantoodna amarkiisa lagu fuliyay, taasoo madaxweynaha ku kaliftay inuu dib uga fekero xil ka qaadista Muungaab, laakiin waxaa culeys weyn ku saaray inuu xilka ka qaaday xubno ka mida golaha wasiirada iyo kooxda madaxweynaha.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo dhowaan heshiis qarsoodi ah la galay xisbiga Daljir iyo kooxda Aala Sheekh ayaa haya sir badan oo ku saabsan sida madaxweyne Xasan Sheekh ugu lug yeeshay dhulalka danta guud ee la bixiyay oo qaarkood lagu maalgeliyay musharax C/kariin Guuleed.

Waxaan shaki lahayn in dokumentiyada Muungaab la wadaagayo saraakiisha Q/Midoobay, Guddiga UN-ka ee Monitoring, iyo wakiilada kale ee Beesha caalamka inay wax weyn u dhimi doonaan Xasan Sheekh iyo damaciisa ah inuu dib ugu soo laabto talada dalka 2016 kadib, laakiin wuxuu Muungaab noqon doonaa mas’uul raali ka ahaa fadeexooyinkaasi balse markii xilka laga qaaday kadib u adeegsaday qaab siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com