Xog: Ciidamo daacad u ahaa Muungaab oo xabsi la dhigay iyo ARRIN cusub oo soo korortay…!!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Saraakiisha laamaha amaanka Dowlada ay gacanta ku dhigeen Ciidamo daacad u ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab.

Ciidamada la xiray ayaa la sheegayaa in gacanta lagu dhigay iyaga oo ka faa’iideysanaayay marxalada kala guurka ah islamarkaana falal amni darro ah ka geystay qeybo kamid ah Degmada Kaaran ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada la xiray ayaa boob iyo dhac u geystay dukaamo iyo dad rayid ahaa, waxaana la tilmaamayaa in carqaladaasi ay qeyb ka tahay dhaliisha uu Mungaab ka qabo Xil ka qaadistiisa.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa la soo dhoobay Ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo u diyaarsan ka hortaga dhibaato kasoo gaarta dhanka Maleeshiyaad daacad u ah Mungaab oo qas ka dhexwada qeybo kamid ah magaalada.

Dhanka kale, talaabadaani lagu xir xiray Ciidamada ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Magaalada Muqdisho oo iyagu wax kale ka aaminsan Mungaab iyo Ciidamadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com