Daawo “Wasiiradii iscasilay anigaa madaxa kaga istaagaya oo qoorta ka jibinaya” Waxaa yiri…!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa hanjabaad u jeediyay wasiiradii shalay iska casilay xilalkii ay hayeen.

Wasiir Warancadde, ayaa sheegay in  maamulka Somaliland uusan waxba u arkin iscasilaadii ku dhawaaqeen 9 wasiir iyo seddex wasiir ku xigeen, laakiin wuxuu hanjabaad u jeediyay dadka iscasilay.

Warancadde, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in wasiiradii shalay iscasilay ay sameeyaan falal lidi ku ah amniga deegaanada maamulka Somaliland, ayna ka hortagi doonaan dadka falalkaasi sameynaya.

Sidoo kale wuxu sheegay inuu yahay ruux taageersan qaranimada maamulka waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, uuna qoorta ka jibinayo qof walbaa oo ka hor timaada amniga deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com