Ilko-Xanaf oo runta u sheegay Xasan, CCC iyo…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ceydiid Cabdulaaahi Ilko Xanaf, gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka ayaa ku dhaliilay dowlada Soomaaliya in siyaasada dalka aysan ka qeyb gelin dadka kasoo jeeda deegaanada waqooyiga Soomaaliya.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in xilalka kala duwan ee dowlada aysan wax badan ku laheyn dadka kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ee kusugan magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Ilko-Xanaf ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya inta badan ku faanto in loo siman yahay qaabka shaqaaleysiinta dadka Soomaaliyeed, laakiin aysan taasi helin dadka kasoo jeeda deegaanada waqooyiga Soomaaliya.

Xildhibaanno iyo Mas’uuiliyiin Xilal ka haya Dowladda Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobalada Woqooyi ee Soomaaliya ayaana la dhicin qaabka aan looga qeyb galini shirkii Madasha Wada tashi Qaran oo Todobaadkii Tagay lagu qabtay Muqdisho.

Warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkaasina waxaa ka qeyb ahaa Shirarka soo socda In laga qeeb galiyo shaqsiyaad ka soo jeeda Gobalada Woqooyi ee Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com