Xog: CC oo shaqada ka eryay Cabdiqani Jaamac

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog Hoose oo aan heleyno ayaa sheegeysa in is badal lagu sameeyay Howlwadeenada  madasha wadatashiga qaran, islamarkaana laga saaray madasha xubno horey ugu jiray oo kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka.

Warar madax banaan ayaa xaqiijiyay in liiska Gudiga Howl wadeenada Madasha wadatashiga Qaran laga saaray Cabdiqani Cabdi Jaamac wasiirkii hore ee Madaxtooyada Jubbaland oo uu magacaabay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ka saarista Liiska gudiga ee Cabdiqani ayaa ka dambeysay kadib markii Siyaasiin ka soo jeeda Beelaha Hawiye ay dood xoogan ka muujiyeen magacaabista Cabdiqani uu soo magacaabay Cumar Cabdirashiid.

Booskii Cabdiqani ayaa loo magacaabay nin ay saaxiibo dhow yihiin Ra’iisul wasaaraha dalka Sharma’arke balse ka soo jeeda beesha Hawiye.

Cabdiqani Cabdi Jaamac ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi ayadoo la soo sheegayo inuu halkaasi u aaday howlo dhanka caafimaadka ah.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in xubno kale oo ka kala socda Gobbolada SH/Dhexe, Hiiraan iyo Gobbolka Banaadir lagu soo kordiyay Gudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com